Wararka laga helayo gobolka Fafaan ayaa sheegaya in caawa xiisad xoogan ay weli ka taagan tahay degmada Tuliguuleed ee gobolkaasi.

Xiisadan ayaa la sheegay in ay u dhexeyso dadka degaanka iyo maleeyshiyaadka Oromada kusugaan degmada Jinicsani oo 20 kilometer u jirto degmada Tuliguuleed.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan, , islamarkaana ay wal wal ka qabaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Xalay ayey aheyd markii Maleeyshiyaadka Oromada ay weeraren qabalaha Malowleh oo katirsan degmada Tuliguuleed iyo ku dileen hal qof oo shacab ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.