Warar hordhac ah oo gor dhow naga soo gaaray gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay hal mar kuso dateen tuulada Yado ee hoos timaado degmada Ceelwaaq, kadibna xasuuq bahsan u geysteen dadka rayidka ee ku dhaqan tuulada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Halgan Media u sheegay in ciidamada Shisheeyaha kasoo jeedo Kenya ay qaar kamid ah dadka ku dhaqan tuulada ay qab qabten kadibna ay isugu keenen meel bacaad ah oo kamida xafaadaha tuulada.

Waxeyna ciidamada Kenya goobta ku toogteen hal qof oo shacab ah, Halka ay sii afduubteen 5 kale oo aan waxba galabsan. Mana la oga waxa ay ku sugan yihiin dadka la afduubtay.

Halgan Media ayaa heshay magacyada qaar kamid ah dadka lagu afduubtay tuulada Yado, waxaana kamid ah.

  • Warsame Abayle Cilmi
  • Cabdullahi Abayle Cilmi
  • Maxamed Shide Xassan
  • Warsame Barre Qorane

Halgan Media.