Qarax culus oo ka dhashay gaadhi waxyabaha qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta Criminal Investigation Department (CID ee magalaada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Gaadhiga qarxay oo Ku jiray hal ruux. Ruuxa magaciisa weli lama haayo, kaasi oo la sheegay in uu dhaawac kasoo gaarey qaybaha hoose ee jirkiisa.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta durbadiiba yimid ayaa ula cararay sarkaalka goobaha caafimaadka si loogu daaweeyo. Ciidamada amaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meesha ay wax ka dhaceen yimid.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.