Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa howlgallo ka fuliyay magaalada Garoowe ee xaruunta gobolka Nugaal ahna caasimada maamulka Puntland.

Taliyaha booliska ayaa shir jara’id qabtay kuna subsan howlgallada, isago sheegay in lagu xaqijinayo amniga magaalo madaxda ee Garoowe.

Korneel Xasan Cabdullahi oo ah af hayeenka Booliiska Puntland ayaa maanta war ka soo saaray xaaladda guud ee Amniga iyo hawlgallo ciidan oo ka socda caasimadda Garoowe.

Magaalada Garoowe oo kamid magaaloyinka ugu amansan ee Soomaaliya ayaa muddadi ugu dambeyey kusoo badatay amaan daro taas oo ay intoda badan ka dambeeyaan tuugo hubeysan iyo kooxo ka ganacasatada mandooriyasha.

Halgan Media