Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ereteriya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta soo gaadhay magalaada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya.

Madaxweynaha u qabilsan Mamuulka la magacbaxday Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay weftiga ka socda dalka Eriteriya ee uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, waxana uu kulankaas oo is xogwaraysi ahaa uu qaatay muddo saacado ah.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Somaliland iyo Eriteriya, ayaa markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxana ay ka warrameen ujeeddada weftiga ka socda dalka Eriteriya u yimaadeen iyo waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.