Xaalad kasta oo ay ummadi kujirto waxaa jira qaar ka mid ah ummaddaas oo ka shaqeeya ama ku mashquula halaakaynta rabitaanka danaha guud ee dadka iyo dalkooda, dhibaatooyinka hunguri-raacyadu ay ku halaakeeyaan danaha dadkooda iyo dalkooda waxay isugu jiraan “lasafasho ay la saftaan cadawga si dadban ama si toos ah” jaajuusnimo, bixinta siraha, jahwareerinta dadka iyagoo ugu beer laxawsanaya Gobolaysi, Qabiil, Saaxiibtinimo ama adeegsi dhaqaale/laaluush si midnimada ummadda loo kala dhantaalo, figrado been ah oo ay faafiyaan si khalkhal ay ugaliyaan danaha iyo dadaalada dadka ku midaysan la dagaalanka dulmiga iyo gumaysiga.

Sida ay taariikhdu qorayso gumaysigu kaligii ma wajihi karo dhaqdhaqaaqyada xoriyad-doonka ah, sabab too ah gumaysigu waa danbiile eeda uu galay og, waa fulay oo xaq kuma socdo, dhaqanka iyo luuqada dadka ma yaqaano oo ma dhex gali karo shacabka, sidaas darteed wuxuu ku dadaalaa inuu helo kuwo bulshada dulman ka mid ah oo uu adeegsado si uu uga horgeeyo kuwa diidan dulmiga gumaysiga.

Halgamayaal waxaynu la wada soconaa Gumaysiga Itobiya tiirarka uu ku taagan yahay ee uusan waligii u quusan ayaa ah qar ka mid ah shacabkeena oo uu adeegsado goor walba.

Kooxaha uu gumaysigu adeegsanjiray hadii aan tusaale u soo qaadano waxay shacabka Ogadeniya u yaqaaneen magacyo kala duwan sida:-

1. Daba-qoodhi.
2. Mabda-laawayaal.
3. Jaajuusiin.
4. Macaan-jecel.
5. Hunguri-raac.
6. Cadaw-kalkaal.
7. Khaa’inul wadan.
8. Daba-dhilif.
9. Hawaarin
Iyo midka hada jira oo la baxay #isbadal_doon laakiin #Gumaysi_Doon ah.

Waxay gacan yare u yihiin dulmiga iyo hurgumooyinka gumaysiga iyaga oo ku halaakeeya shacabkii ay ka dhasheen, waxayna magac yadaas foosha xun ku mutaysteen ficilkooda aan xaqa iyo xaqiiqda ku salaysnayn, dulmiga ay dadkooda ka galayaan iyo waliba nacabka aan jeclayn ee ay dhaaraanka u yihiin una duloobeen iyagoo waxtarka ay ka helayaan uu yahay waxaan macno badan samaynaynin manfac badanna lahayn.

Halgamayaal lasocda qaybaha danbe ee qormadan Isha Allaah.

W/Q : Kulmiye Abdi