Wararka naga soo gadhaya magalada Wardheer ee Xaruunta gobolka Doolo ayaa sheegaya in gaadhi uu ka buuxu wax yaabaha qarxa lagu qabtay magalaada sida ay sheegan dadka degaanka.

Ilo degaanka ah oo la soo xidhiidhi Halgan Media ayaa xaqijiyay inay Liyuu Booliska gacanta ku dhigeen gaadhiga oo yalay Geerash (Garage) ku yallo xafaadaha kamid magalaada Wardheer kadib markii dadka degaanka ee wargeeliyeen lamaha amanka.

Sidoo kale waxaa la leyahay inuu gaadhiga watay Targeeda Soomaaliya taas oo ku cadaaynaayso inuu gaadhiga ka yimiid dalka deriska ee Soomaaliya.

Gobolka Doolo waa gobolka u bahad weyn Somali Galbeed, waxaana bilooyinka u dambeysay jira kooxo kala duwaan oo alab Kontrabaand kasoo gudbinaayo dalka deriska ee Soomaaliya, islamarkii ay soo geeliyaan gobolka Doolo ee kamid yihiin Hub, Rasaas, iyo xitta Khamri Lakiin shalay waxaay aheyd markii u horeyso in Qaraxyo la soo ceeliyo gudaha gobolka Doolo.

Hoos ka daawo Sawiirada