Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaana la sheegay in weerarkaasi lagu qaaday xarun booliska ay ku leeyihiin bariga degmada Wanlaweyn.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa degmada Wanlaweyn ka dhacayay falal ammmaan dari oo u badan dilal qorsheysan.