Warar hordhac ah oo gor dhow naga soo gaaray gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday ciidamada Shisheeyeha ee AMISOM xili ay ku safrayeen inta u dhaxeeyso magalada Jowhar iyo tuulada Buurane ee gobolkaasi.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Halgan Media ayaa xaqijiay in ay ciidamada Shisheeyeha ee AMISOM kasoo baxeen magalada Jowhar iyagoo ku wajahnaa dhanka Mahaaday iyo Buuraane, markii ay la kaceysay Miinada dhulka lagu aasay, taas oo sababtay in hal gaari oo ay wateen AMISOM uu goobta ku gubtay isaga iyo wixi saarnaaba.

Islamarkii gawaaridii kale ee kamidka ahaa kolonyada la socday ciidamada AMISOM ayaa bilaabay in ay rasaas ku furaan dadka shacabka ah ee marayay jidka. Weli lama oga khasaraha soo gaaray dadka rayidka ah ee goobta ka akdhawaa oo ay ciidamada AMISOM rasaaseyen.

Mahan markii ugu horeeysay ciidamada Shisheeyeha ah ee katirsan AMISOM ay dadka shacabka ku beegsadan ama isku dayaan in ay layaan markii ay weerar la kulman.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media