Wararka laga helayo gobolka Shabellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in shalay galabtii ay 5 diyaaradod kasoo degteen xarunta ay ciidamada Mareykanka ku leyihiin garoonka Balidogle sida ay Halgan Media u xaqijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonan karo.

Ilo wareedyada ay sheegay in shalay oo tariikhda ahayd 22ka bisha December xiliga galabkii ay 5 diyaaradod oo kala duwan ay kasoo degteen garoonka Balidogle, waxaana la sheegay in labo (2) kamid ah diyaaradaha ay ahayeen kuwa aad u waaweyn, iyagoo oo dhanka marakibta taagan badda kasoo dulay.

Xeebaha Soomaaliya waxaa hada ku sugan Maraakib badan oo ay leyihiin Mareykanka oo daad gureynayo ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan garoonka Balidogle oo ah xarunta u weyn ay ku sugaayeen ciidamada mareekanka.

Dhawaan ayey aheyd markii ay warbahinta Halgan Media shaacisay cida la wareegi doonto garoonka Balidogle markey ciidamada Mareykanka ka baxan dalka. (Halkan rix si aad u Aqrisatid).

Halgan Media.