War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar lala beegsaday Al Shabaab, kaasi oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab

Weerarkan xagga cirka ah oo laga fuliyay meel qayaas ahaan 46-KM dhanka Waqooyi Bari kaga began magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubbada Hoose ayaa Mareykanka sheegey in lagu dilay labo kamid ahaa dagaalyahannada Al Shabaab.

Mareykanka ma uusan sheegin shaqsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo dadka la dilay, waxaana lagu soo koobay warkooda in 2 kamid ahaa Al Shabaab in lagu dilay duqeyntaasi ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo. Dowladda Mareykanka ayaa sii kordhisay weerarada lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Al Shabaab,iyagoo kaashanaya Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, si looga saaro deegaanada ay weli ku sugan yihiin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.