Wararka nagasoo gaadhaya degmada Ma’aayso ee gobolka Shiniile ayaa sheegaya in koox maleeyshiyaad Oromo ah ay weerar kuso qaadeen shalay shacabka kunool degmada Ma’aayso

Werarkan oo ay kooxda maleeyshiyaadka Oromada ay kurabeen inay kuwaxyelaan shacabka Somalida Ogadenia, ayaa waxaa iska caabin kala hortagay shacabka Ogadenia ee agagaarka Ma’aayso.

Khasaaraha kadhashay ayaa lesheegaya dhanka Somalida inay tahay laba dhaawaca iyo dhanka Oromada lasheegayo khasaare badan oo aan weli faahfaahintiisa lahayn. Markii laga reebo afar oo nolol lagu qabtay iyo 10 qori oo hubkii ay wateen ah.

Warka ayaa intaasi kudara in Oromadi la qabqabtay ay lawareegeen kooxda cabdi iley, kadibna ay kuwareejiyeen ciidanka gumeysiga itoobiya. Dagaalada xadka Ogadenia iyo Oromia kasocda ayaa weli aan istaagin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.