Wararka naga soo gaaraya Ismaamulka Axmaraada  gar ahaan degmada Walchu ee gobolka Wollo ayaa sheegaaya in maanta uu halkaasi dagaal ku dhaxmaray Ciidamada ismamuulka Axmaraada  iyo maleeshiyo kasoo jeedo degaankaasi.

Idacaada DW Germany ee Qaybta Axmaraada  ayaa sheegay in dadka degaanka ay arkayn Meydaad ku yalla jidka iyo dad ku dhaawacmay oo la dhigay Isbitaalada degmada Walchu. Ugu yaraan waxaa dagaalka ku dhintaay 6 Qof iyo 12 kale oo dhawaac garaay.

Sidoo kale Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Ismaamulka Axmaraada, kaas oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkaasi oo maanta ka dhacay degmada Walchu.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.