Wararka aan ka heleyno dhulka Somalida ay Kenya gumeysato ee NFD ayaa sheegaya dagaalyahano ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin  Isgaarsiineed oo ku yaalay tuulada Korakora oo hoos yimaado degmada Gaarisa ee gobolka NFD.

Angeenooyin ayaa la sheegay kooxda Shabaab inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay ilo degaanka.

Waxaa uu  sheegay anteenooyin  la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah degaanka looga isticmaalaayay.

Lamaha amaanka ee dowlada Kenya weli kama hadlin weerarka ay Al Shabaab ka fuliyeen duleedka magalaada Garissa.