Tirada dhimashada banaan-baxyadii iyo rabshadahii qowmiyadeed ee ka dillaacay Itoobiya toddaabdkii lasoo dhaafay, kadib dil loo geystay heesaa caan ahaa oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada, ayaa gaartay 239, sida lagu sheegay tirokoob ay sameeyeen booliska.

Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ku xeeran ee Oromia, oo ah halka ay ku badan yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada, kuwaas oo mudo dheer dareemayey in dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba la liiday.

Saraakiisha ayaa u sababeynaya dhimashada laba arrin oo isbiirsaday oo kala ah’ awood ay adeegsadeen ciidamada amniga iyo rabshadaha ka dhex dhaca qowmiyadaha.

“Sababo la xiriira rabshado ka dhacay gobolka, sagaal sarkaal oo boolis ah, shan ka tirsan maleeshiyaadka iyo 215 qof oo rayid ah ayaa naftooda waayey,” waxaa sidaas yiri ku-simaha taliyaha booliska gobolka Oromia Mustafa Kedir oo telefishanka ka hadlay Arbacadii.

Booliska magaalada Addis Ababa ayaa markii hore tirada dhimashada ee caasimadda ku sheegay 10 qof, hase yeeshee, tiradaas ayaa iminka waxaa ku kordhay 166 qof oo dhintay Sabtidii.

Halgan Media