Waxaan si kooban qormadan ugu eegi doonaa xaalada Somali Galbeed iyo waxa sababa dhibaatooyinka joogtada ah ee ciidanka Liyuu Booliska ku hayaan dadka dhulkaas degan iyo waliba kuwa kunool Jamhuuriyadda Xorta ah ee Somaaliya iyagoo ka talaaba Xuduud beenaadka sidii dhacday marar badan oo hore.
Laga soo bilaabo 1991 markii Jabhadii TPLF la wareegtay xukunka dalka Itoobiya waxaa jiray siyaasad ku salaysan in dhulka Somali Galbeed laga dhigo mid dadkiisu Itoobiyan-nimada aqbaleen si meesha looga saaro Riyadii Somaliwayn iyo Halgankii xornimo u dirirka ahaa ee mudada dheer soo socday.
Kooxdii Tigreega ee talada qabsatay waxay galaangal u yeesheen awoodna u heleen ku dhex milanka Siyaasada Soomaalida guud ahaan iyagoo xoogga saaray xaqiijinta iyo ka miro dhalinta hadafkooda oo ay saldhig u ahayd Qaybi oo Xukun. Si taas loo gaaro waxay aas aaseen Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska loo yaqaan oo ah fuliyaha ujeediyoonka Gumaysiga !!!!
Samaynta Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska iskama imaan ee waxay ahayd Khibrad ay ka heleen guuldarooyin is xigxigay oo ay la kulmeen markii ay damceen inay iyagu wax walba gacanta ku qabtaan.
Tusaale xilligaas Ciidanka dawlada dhexe ee Itoobiya ma ahayn kuwo Aqoon u leh deegaanka, sidoo kale ma lahayn Tiradii iyo Tayadii loo baahnaa ee uu ku wajihi karay Kacdoono wadanka gudihiisa ka yimaada siiba Qawmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah labada awoodood ee tiro ahaan dalka ugu badan ama xitaa Jabhado ka dilaaca dhinaca Soomaalida oo ay walwal ka qabi kareen mustaqbalka.
Dagaalo dhawr ah ayaa Somali Galbeed ka dhacay kahor aas aaskii Liyuu Booliska kuwaasoo u dhexeeyey Militariga Itoobiya iyo Xarakada Al itixaad iyo Onlf oo markaa lahayd shacbiyad aad u badan Xisbi ahaana ugu guulaysatay doorashadii ugu horeysay ee Somali Galbeed ka dhacda.
Doorashadaas waxaa kusoo baxay AUN C/laahi Maxamed Sacdi oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Somali Galbeed balse mudo yar kadib la afgambiyey, taasoo dhalisay inay ONLF hubka qaado oo hawdka gasho xilligii Sh Ibraahim Cabdale eebe ha u naxariistee.
Wakhtigaa wixii ka dambeeyey waxaa dhacay dagaalo aad u kharaar oo ay isaga horyimaadeen militariga Itoobiya iyo Jabhadii Onlf taasoo dhalisay khasaaro baaxad leh oo soo gaaray Ciidankii Itoobiya ee Oromo, Tigray iyo Axmaaro u badnaayeen.
Tani waxay kaliftay in RW hore ee Itoobiya Meles Zenawi uu wax kabadalo siyaasadiisi ku aadanayd Somali Galbeed, isagoo sameeyey Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska loo yaqaan isla markaana siiyey Awood balaaran iyo Miisaaniyad (Budget) aad u saraysa.
Wuxuu ku magacaabay Ciidanka gaarka ah ee Somali Galbeed iyagoo maamul ahaan hoos imaanaya Xafiis loo bixiyey Hogaanka Nabad galyada ee heer deegaan kaasoo uu madax uga dhigay Dhigya Cabka Cabdi Maxamud Cumar loo yaqaano Cabdi Ileey.
Hogaanka nabad galyadu wuxuu leeyahay heerar kala duwan Sida heer Deegaan, heer Gobol, heer Degmo, heer Center ilaa heer Qabale. Hogaankani waa midka loogu talagalay Tacadiga iyo Cadaadiska dadka shacabka, waana Xafiiska ugu awooda badan maamulka guud ahaan.
Ka sokoow Liyuu Booliska waxaa hoos yimaada Sirdoonka oo loo yaqaan Maarajaa oo heerar kala duwan leh, kuwaasoo iyaguna qayb libaax ka qaata ku tumashada xuquuqda dadka dhulkaas degan.
Gabood falada hay’adahaas lagala kulmo ama ay geystaan ma aha kuwo lasoo koobi karo.
Waxyaabaha cajiibka ah ee aan aniga qudhaydu arkay waxaa kamid ah in dadka hawshaas loo diray aysan ahayn dad ehel u ah xirfadaas ama aqoonteedi leh ambaba akhlaaq ahaan u qalma.
Waxay u badan yihiin dhalinyaro miyiga laga keenay oo qori loo dhiibay horayna balwad iyo daroogo ka bilaabay oo u haysta Xadaarad iyo Ilbaxnimo.Kuligood waxay caayayaan Diinta iyo Allaah SWT, waxay taagan yihiin Baraha koontaroolada ee magaalooyinka kabaxsan dadka Soomaalida ah unbaa Target u ah ha ahaadeen kuwa deegaanka ama Soomaalida dhulalka kale katimiid.
Xigasho : Gedo Times