Faah faahinno dheeraad ayaa kasoo baxaya dil saacadihii lasoo dhaafay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee ismamuulka Oromada loogu geystay magaalada Nekemte siida ay sheegan idacaada BBC ee laanta Oromada.

Idacaada BBC ee laanta Oromada, Askari ayaa la dilay, mid kalana ayaa dhawaacmay, waxaana dilkaas fuliyey kooxo ku hubeysan bastoolado, kuwaas oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Dilka ka hor waxaa la sheegay in Askarta iyo kooxdaas uu dhex maray iska hor imaad kooban, waxaana sidaas lagu dilay askarigii, iyagoo horay u sii qaateen qorigii uu watay askarigaas ka tirsanaa ciidanka amaanka ee Ismamuulka Oromada.

Ciidamo ka tirsan booliska magalaada Nekemte ayaa gaaray goobtii lagu dilay askariga, waxayna  halkaas ka bilaabeen baaritaano dad lagu soo qab-qabtay, in kastoo aan si rasmi ah loo shacin cid lagu tuhmayo dilakaas oo lasoo qabtay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka ay ka bixiyeen dilka askarigaas iyo howlgalladii ka dambeeyey ee ciidamada ammaanku ka sameeyeen aagga goobtii lagu dilay.

Amaanka ismamulka Oromada ayaa faraha kasii baxayey mudooyinkii u dambeeyey, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilkii saakay Nekemte loogu geystay askarigaas ka tirsanaa ciidanka ammaanka Ismaamulka Oromada.

Halgan Media.