Ciidamada Dowlada Caalamka aqoonsan yahay ee dalka Yemen ayaa ku guuleystay inay dib ulla wareegaan qeybo kamid ah magaalada Cadan kadib markii halkaasi laga saaray labo todobaad kahor.

Askarta ka amar qaata Madaxweyne Hadi ayaa maalmihii lasoo dhaafay duulaan kasoo qaaday gobalka Abyan iyagoo doonaya inay xoogaga gooni u goosadka ah ee Koonfurta Yemen ay ka saaraan magaalada Cadan.

Maleeshiyaadka gooni u goosadka ah oo taageerada ka hela Imaaraatiga ayaa la sheegay inay baneeyeen bartamaha magaalada iyo nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada.

Guusha Ciidamada dowlada ayaa imaaneysa xili la filayo inay dhawaan bilaabmaan waan waan ay Sacuudiga garwadeen ka yihiin oo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya Dowlada Yemen iyo Xoogaga kasoo jeeda koonfurta Yemen oo iyagu horey u ahaa isbaheysi si wadajir ah ulla dagaalamaya xoogaga Shiicada Yemen ee xuuthiyiinta.

Dhinaca kale diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga ayaa duqeeyey Madaarka magaalada caasimada ah ee Sanca oo ay maamulaan Xuuthiyiinta, kadib markii arbacadii shalay ay xuuthiyiinta gantaal ku tuureen mid kamid ah magaalooyinka koonfurta Sacuudiga.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.