Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta gelinkii dambe ku soo riday diyaarad ay saarnaayeen dad shacab ah duleedka degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Ciidamada Xabashida ee saldhigga ku leh degmada Bardaale ayaa dhulka soo dhigay diyaarad rakaab ah oo la sheegay in ay sahay gargaar siday kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha degmada Bardaale kadib markii ay ka soo kacday magaalada Baydhabo.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in ay ciidamada Itoobiya si ula kac ah u soo rideen diyaaraddaasi.

Ugu yaraan Lix qof oo iskugu jira rakaab rayid ah iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa ku dhintay diyaaraddaasi oo u kiraysnayd shirkadda African Express.  Ilaa iyo hadda lama oga sababta ay ciidamada Itoobiya u soo rideen diyaaradaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo xukuumadda Itoobiya ayaa ilaa iyo hadda war ka soo saarin sababta keentay in la soo rido diyaaradaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.