Ciidamo cusub oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay xafiiska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo horaantii todobaadkaan baarlamaanka Federaalka kalsoonidii kala noqdeen.

Ciidamadaan oo si gaar ah uga amar qaato madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in ay si buuxda ula wareegeen amaanka xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre, iyadoona laga saaray kuwii horey u joogay oo u badnaa ciidamo ku heyb ah Ra’iisul wasaaraha.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka soo gala madaxtooyada, kuwaas oo si gaar ah ula soconaya dhaq dhaqaaqa Xasan Cali Cali Kheyre, oo laga cabsi qabo in uu qaado tallaabo ka dhan madaxweyne Farmaajo.

Halgan Media ayaa sidoo kale heshay in madaxweyne Farmaajo uu kulan deg deg ah isugu yeeray dhamaan taliyeyaasha ciidamada, isagoona ku wargeliyay in aysan fulin karin amar kasto oo ka soo baxo Ex Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Arintaan ayaa dadka siyaasadda odoroso ku tilmaameen tallaabooyinka uu madaxweyne Farmaajo kula dagaalamayo qorsho kasto oo kaga imaan karo Xasan Cali Kheyre oo ay isla soo halgameen saddexdii sano ee la soo dhaafay, balse siyaasadda kala geysay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Kheyre oo ka hadlayay sababtii keentay xil ka qaadistiisa ayaa sheegay in madaxda haatan jirto ay dooneyso in dalka muddo kororsi laga sameeyo, baarlamaanka Soomaaliyana uu u durbaan tumayo.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo oo kaashanaya agaasimaha hay’adda sirdoonka fahad Yaasiin ayaa ku howlan kala dhantaalidda isbaheysigii taageersanaa Ra’iisul wasaare Kheyre oo uu arko nin jilaafooyin iyo mowjado siyaasadeed ku kicin karo.

Halgan Media.