Ururka hubeysan ee Daacish ayaa xaqiijisay dhimashada mid kamid ah saraakiisheeda sare ee Soomaaliya, sida ay baahiyeen warbaahinta taageerta kooxda Daacish (ISIS).

Khaalid Jama oo sidoo kale loo yaqaan Abu Osama Al-Muhajir, kaasoo ah jihaadi kasoo jeeda dalka Pakistan, ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gobolka Bari ee 22-kii bishii Luulyo.

Duqeyntaas ayaa lagu dilay todobo xubnood oo katirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, sida bayaan uu 23-kii July uu Mareykanku ku sheegay.

Garabka ISIS ee Soomaaliya oo ku sugan degaanada Puntland, taasoo asaasmatay bishii Oktoobar ee sanadkii 2015, ayaa waxaa hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin oo horey u ahaa sargaal katirsanaa Xarakada Al Shabaab ah.

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa ku dartay Cabdulqaadir Muumin liiska Argagxiisada adduunka. Ku xigeenkiisii Cabdixakiin Dhuqub ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku geystay bishii April 2019.

Maleeshiyada oo loo maleynayo in ay haysato dhowr boqool dagaalyahan, ayaa saddexdii sanno ee u dambeysay sheegatay masuuliyada ficilo argagixiso oo ay kamidyihiin dilal iyo qaraxyo oo badankood ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Halgan Media.