Wararka naga soo gaadhaya Gumaysiga Itoobiya gar ahaan ismamuulka Shucuubta Koonfured ayaa sheegaya isku dhacyo qabiil oo mudo soo jiitamayay kaas oo sida lasheegayo mar kale dib u qarxay.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa Ismaamulka Shucuubta Koonfured isku fara saaray laba qoomiyadood oo halkaas wada daga kuwaas oo sanadihii lasoo dhaafayba uu kadhaxeeyay dagaal dhiig badan uu kudaatay isla markaana uu bara-kac aad u baaxad wayn kadhashay.

Ismaamulka Shucuubta Koonfured ayaa ah mid ay gacan kuhayntiisa kuloolamayaan qoomiyadaha kala duwaan ay kamid yihiin Konso iyo Ale, kuwaas oo sida larumaysan yahay xukuumada Itoobiya ay dagaal kooda kadambayso si culayska dhinaca shacabka uga imaanaya uu u yaraado.

Madaxweyne kuxigeenka ee ismamuulka Shucuubta Koonfured Ristu Yerda ayaa sheegay in ugu yaraan 21 qof ku dhintay dagaalada dhex maray qomiyadaha Konso iyo Ale siida ay sheegan wargeyska Addis Standard.

Dagaalada qoomiyadaha ayaa wadanka Itoobiya kanoqday kuwo soolaalaabta, waxaana sanadkan iyo sanadkii tagay dagaalada qabiilka kudhintay kumanaan shacab ah, halka bara-kucuna uu gaadhay meel sare.

Halgan Media.