Wararka nagasoo gaadhaya gumaysiga Itoobiya gaar ahaan xadka udhaxeeya Ismaamulka Axmaraada iyo Benshangul ayaa sheegaya in dagaalo udhaxeeya labada qowmiyadood ka socodo xuduudka labada maamul gaar ahaan tuulada lagu magacaabo Guba oo ka tirsan ismamuulka Benshangul.

Taliyaha booliska Ismaamulka Benshangul Abdulaziz Mohamed ayaa sheegay in Khasaarahu ilaa hada inta lahubo yahay 13 ruux oo dhimasho ah.  Siido kale wuxuu sheegay in kooxo hubeysan oo aan heybtood la garayniin ayaa ka danbeeyay weerarka.

Sanooyinkii u dambeeyey waxaa Itoobiya kasocda dagaalo udhaxeeya qomiyadaha kaladuwan ee Itoobiya kuhoos nool Waxaadna moodaa inayna Itoobiya dagaal sokeeye kafursan haynin.

Halgan Media.