Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Janaale iyo Mubarak ee gobolka Shabellaha Hoose.

Duqeynta  ayaa la sheegey in ay ku dhacday saldhig iyo xarumo ay halkaasi ku leeyihiin Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Xarumaha la duqeyay oo  lagu sheegay 2 xarumood ayaa la tilmaamayaa in Dagaalamayaasha Al-shabaab ay halkaasi diyaarinayeen waxyaabaha qaraxyo.

Warbahiinta ee ledahay dowlada Soomaaaliyq ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Maleeyshiyaad iyo Ajanabi katirsan ururka Al Shabaab, iyadoona intaasi ay wararka ku darayaan in la bur buriyay saanad melateri oo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha ay ka fulinayaan Koonfurta iyo Bartamaaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.