Dowladd deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in aanu caddeyn u hayn in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dad ku laayeen degaanka Feerfeer ee gobolka Shabelle ka dib markii shalay ay halkaasi gaareen guddi ka socda dowlad degaanka.

Degaanka Feerfeer ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal beeleed Khasaare geystay, waxana qaar ka mid ah dadka degaanka ay ku eedeeyeen in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka qeyb ka ahaayeen dagaalkaasi.

Hoggaanka nabadgaliyadda degaanka ayaa sheegay in hadda ay kala dhex galeen Maleeshiyaadkii dagaallamayay, islamarkaana ay ka dhex waddaan dadaallo nabadeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhaawacyo badan ay ka qaadeen degaanka, islamarkaana ay geeyeen isbitaalka guud ee dowlad degaanka.

Degaanka Feerfeer  ayaa ku yaala Xadka kala bara Somali Galbeed iyo Soomaaliya, waxaana inta badan ku dagaallamaya Maleesiyaad kasoo kala jeedda labadda dhinac.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.