Ugu yaraan 32 qof oo uu ku jiray Taliye Sare oo lagu dilay duqeyn ay maleeyshiyaadka Xuutiyiinta la beegsadeen Dhoolatus Milliteri oo ka socotay Xeradda Milliteriga ee Al-jalaa oo ku taalla Degmadda Burayqa ee magaalladda Cadan.

Ilo-wareedyo Milliteri oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheeegay in Tobanaan Askari oo ay ku jireen 2 Sarkaal lagu dilay Duqeyntaasi.

Telefishinka Al-masiirah ee  ku hadla magaca maleeyshiyadka Xuutiyiinta ayaa sheegay inay Diyaarad Daroon iyo Gantaal Balaastik ah ku duqeeyeen Xeradaasi, oo ay sheegeen in laga abaabulayo dagaal lagu soo qaado magaallooyinka Tacis iyo Aldhalca oo ay Xuutiyiinta haystaan.

Dhinaca kale, Weerar Is-qarxin ah ayaa waxaa saakayto lala beegsaday Saldhig Bolis oo ku yaalla Degmadda Cumar Al-mukhtaar oo u dhow magaalladda Cadan, waxaana la sheegay in ugu yaraan 11 Askari lagu dilay, halka 20-kalena lagu dhawaacay.

Is-qarxinta ayaa la sehegay in loo adeegsaday gaari yar, bas iyo mooto laga soo wada buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxayna qaraxyadaasi dhaceen, xilli ay Boliska ka hawlgala Saldhigaasi ku jireen Safka Is-xaadirinta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.