Maleyshiyaadla Qeerroo ee uu maamulo Jawar Mohammed ayaa maanta xidhay dhamaan wadooyinka weyn ee magalaada Addis Ababa, taas oo keentay in maanta isu socodka magaaloyinka ay xanibaan.

Haddaba sida ay Halgan Media u sheegen dad degan magalaada Addis Ababa, waxaa xidhan goobihii ganacsiga sida Tuukamada iyo Bangiyada, iyadoo askar badaan lagu soo daadiyay magalaada.

Xaaladan amni darro ee saaka Itoobiya ku waabariistay ayaa ka dambaysay kadib waraysi kulul oo uu Jawar Mohammed xalay siiyay LTV oo ah Telefishaan madaxbanaan, kaas oo uu kabaha la dulmaray xukuumada Abiy Ahmed oo uu sheegay in ariintan “Madamar” ee uu Abiy keenay tahay mid dadka lagu cabudhinayo.

Xalay ayey Dowlada u yeedhay ilaalaadii Jawar Mohammed ee gurigiisa ilaalinaysay, taas oo cadhaysiisay dhamaan taageerayaasha Jawar Mohammed, waana midda keentay inuu dalka Itoobiya gar ahaan caasimada Addis Ababa maanta Xaladan galo.

Lama oga waxaay ku dambayn doonto xalada maanta Itoobiya ka tagaan, iyadoo hadi ay sida kusocoto laga yaabo yaabo inuu dagaal dhex maro tageerada Jawar Mohammed iyo Dowlada Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.