Xukuumada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Salaasa ah markale tijaabisay gantaal, tijaabadan oo noqoneysay tii 8aad tan iyo bishii Luulyo ee sanadkan.

Tijaabada maanta ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii dowladaasi ay sheegtay inay diyaar u tahay in dib loo bilaabo wadahadalkii ay kula jirtay dowlada Maraykanka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dooneysa in ay Maraykanka ku cadaadiso in dib loo furo wadahadalka, isla markaana qorshaheedu yahay in Maraykanka uu marka hore aqbalo in dalkaasi laga qaado Cunaqabateynta kahor inta aysan iyagu burburin hubkooda Nukliyeerka ah.

Maraykanka ayaa diidan inuu marka hore qaado cunaqabateynta kahor intaan heshiiska la gaarin, qodobkaasi oo ah midkii burburiyey wadahadalkii iyo shirkii ay dalka Vietnam ku yeesheen labada dhinac horaantii sanadkan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.