Kulan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ku yeeshay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay guddoomiye Soomaali ah loogu doortay golahaas.

Aadan Faarax Ibraahim, oo dowlad deegaanka Soomaalida kasoo noqday Madaxweyne ku xigeen ayaa cod aqlabiyad leh loogu doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Itoobiya.

Guddoomiye Aadan ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee xil sidaasi u sareeya ka qabta dowladda Itoobiya, iyadoo golaha Aqalka sare ee dalkaas oo ka kooban 153-Xubnood ay Soomaalidu ku leedahay lix kursi oo kaliya.

Dalka Itoobiya waxaa ka jirta xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada dib loo dhigay, waxuuna guddoomiyahan cusub bedelayaa Kheyriya Ibraahim oo maalin ka hor xilkaas iska casishay, kadib markii ay ka war heshay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy mudada xil heynta look or dhinayo, iyadoo maanta waqti aan la cayimin dib loo dhigay doorashiiyinkii guud ee dalka Itoobiya.