Maxkamadda Derejada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah dil toogasho ku xukuntay, laba nin oo kamid ahaan jiray Ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasahablood2, oo lagu helay dilka Taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaiya Maxamed Saleebaan Abiikar (Maxadeey), kaas oo 19-kii bishii October ee sannadkii tegay lagu dilay Hotelka Maa’ida hortiisa.
Dhegaysiga Garmaqalka Maxkamadda, oo la horkeenay afar ka mid ahaa Ilaalada Hotelka Maa’ida ayaa labo jeer qabsoontay, iyadoo la keenay caddeymo kala duwan oo ku aadaneyd baaritaankii dilka oo ay ka qeyb galeen Qeybta Sheybaarka Booliska iyo marqaatiyaal.
Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa akhriyay go’aanka Maxkamadda, isagoo ku dhawaaqay in eedeysanayaasha kala ah Dable Xoogga Xasan Shuute Cusmaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim lagu xukumay dil toogasho ah.
Sidoo kale waxaa Maxkamadda ay min shan sano xabsi ciidan ku xukuntay Salaad Xeyle Macalin iyo Mukhtaar C/llaahi Muuse.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.