Maxkamad ku taalla magaalladda Baari ee Koonfurta dalka Talyaaniga ayaa waxaa shalay la soo taagay Muwaadin Soomaali oo 22-jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo qorshe uu ku qarxin lahaa Xarumaha Kaniisadda Kataoolika ee Fatikaan ee ku hareeraysan Caasimadda Talyaaniga ee Rome

Eedeysane Muxsin Ibrahim Omar, oo lagu naanayso Anas Khaliil iyo Yuusuf ayaa la sheegay in xiriir la lahaa Kooxda Daacishta Soomaaliya ka hawlgasha, si uu u fuliyo Weerarkaasi.

Eedeysanaha waxaa bishii December ee sanadkii 2018-kii lagu qabtay magaalladda Baari ee Talyaaniga, sababo la xiriira in lagu tuhunsanaa inuu ku guda-jiray Dhaqdhaqaaq Argagixiso, waa sida ay hadalka u dhigeen Baarayaasha Dembiyada ee dalkaasi.

Warbaahinta Talyaaniga waxay sheegeen in Eedeysanaha doonayey inuu qarax ka geysto Kaniisadda Saint Peter’s Basilica ee magaalladda Vatican City, Xilli ay dadka Kirishtaanka qorsheynayeen Isku-soo-bax ballaaran, waa sida hadalka loo dhigay.

Baarayaasha Boliska Talyaaniga waxay kaloo sheegeen in Eedeysanaha uu tababar ku soo qaatay Dugsi ku yaalla caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, Xeer-beegtida Maxkamadda magaalladda Baari ee dalka Talyaaniga waxay Muxsin Ibrahim Omar ku xukumeen Xabsi dhan 104 bilood oo u dhiganta 8 sano iyo 8 bilood.