Ugu yaraan sadax askari ayaa dhimatay halka tobonaan kale oo caruur u badanna ay dhaawacmeen kadib markii qarax xoogan uu ka dhacay xarunta ugu wayn booliska ee bariga dalka Afghanistan.

Afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha Nasrat Rahimi, ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay degmada Alishang, ayna ku dhaawacmeen 36 ruux oo shacab u badan.

Masuul u hadlay gobolkana waxa uu sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 20 caruur ah oo ku sugnaa madaraso diini ah oo halkaai ku taalo.

Afhayeenka kooxda Taliban Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ay leeyihiin masuuliyadda weerarka, isagoona intaasi raaciyay in tobonaan askarta dowladda Afghanistan ah ay weerarka ku dileen kuwo kala ay ku dhaawaceen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.