Sarkaalkii abaabulay afgambigii fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa maanta la shaaciyay in toogasho lgu dilay, kaddib markii la baadi-goobayay tan iyo maalintii sabtida ahayd ee uu dhacay afgambiga.

General Asamnew Tsigeoo sannadkii hore laga soo daayay xabsi ayaa abaabulay in afgambi ka dhacay ismaamulka amxaarada oo ah kan labaad ee dalkaas ugu weyn, waxaana weerarkaas ku dhintay taliyihii guud ee cidanka Itoobiya iyo madaxweynihii ismaamulka Amxaarada.

Booliiska Itoobiya ayaa sheegay in sarkaalkan lagu toogtay meel ku dhaw halkii uu afgambiga ka sameeyay, balse lama sheegin inuu isku dayay inuu iska difaaci ciidamada iyo in kale, waxase tani ay ka dhigan tahay in lasoo af-jaray qalalaasihii ka taagnaa Itoobiya.

Sidoo kale, Sarkaalkan la dilay ayaa wuxuu horay uga tirsanaa millateriga dalkaas, waxaana uu xabsiga ku jiray muddo sagaal sannadood ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu isku0dayay inuu afmbiyo xukuumadihii middkan ka horreeyay.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu dalkiisa ka dhacay afgambi dhicisoobay, isagoo ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, isla markaana la dilay taliyihii guud ee ciidamada Itoobiya, kaasoo dhawaan xilka loo magacaabay.

Ugu dambeyn, Xiisado ayaa weli ka taagan gobolka Amxaarada ee Sabtidii uu ka dhacay afgambiga fashilmay, waxaanse la ogeyn sida ay xaaladdu noqon doonto kaddib dilka hoggaamiyihii abaabulay afgambiga fashilmay ee ka dhacay dalkaas.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.