Wararka naga soo gaadhaya Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in xiisad colaadeed halkaas ay kajirtay baryihii lasoo dhaafay, sida xogta aan kuhelayno xiisada ayaa udhaxaysa Qomiyada Axmaraada iyo Qimat kuwaas oo wada daga xadka u dhaxeeyo Ismaamulka Axmaraada iyo Tigreega.

Xiisadan oo gaadhay gacan kahadal ayaa lasheegayaa in ay udhaxayso laba qoomiyadood oo halkaas wada daga Qimat iyo Axmaaro kuwaas mudo dheer ahaa daris daaqa iyo deegaantaba wada cuna, waxaana lasheegayaa in ay xaaladu gaadhay meel adag.

Xiisa ayaa lasheegayaa in ay hurinteeda iyo hulaaqin teedaba lahaayeen Siyaasinta kasoo jeedo labada gobol ee Axmaraada iyo Tigreega iyo nacamle yaasha u dhashay qoomiyada is haya.

Sikastaba ha ahaatee xiisadan ka aloosan Waqooyiga Itoobiya ayaan la ogayn halka ay ku dambayn doonto iyo khasaaraha ay dhalin doonta toona, balse waxaa colaadan sheeda kala socda taliska wayaanaha oo dhoosha ka qoslaya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.