Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka taagan Xiisad ka dhalatay Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Mustafa Cagjar iyo Xildhibaanada qaar oo xasaanadda laga qaaday.

Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegay in ay jirdil muuqda iyo mid gudaha ah u geysteen Ciidamada ammaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, sidaas awgeed waxa ay dalbadeen in wax laga qabto waxyeelada loo geystay.

Ciidamo badan ayaa la dhigay Waddooyinka muhiimka ee Jigjiga si ay uga hortagaan falcelinta Xildhibaannada careysan ee jirdilka u geysteen Ciidamada Ammaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Cali Badal ayaa difaacay go’aanka Xasaanadda looga qaaday 12-ka Xildhibaanno oo uu ku tilmaamay in ay sameynayeen falal ka dhan ah Dowlad Deegaanka.

Xildhibaannada Xasaanadda laga qaaday ayaa kahor yimid go’aankaas, waxaana magacyadooda ay kala yihiin:

1-Maxamed Axmed Layli, 2-Axmed Aadan axmed, 3-Cabdiwali Axmed Faarax,4- Mahad Xasan Maxamed, 5-Shaafi Cashiir, 6-Nadiir Yuusuf Aadan, 7-Cabdirisaaq Cabdullaahi Belyi, 8-Yuusuf Cilmi Isaaq, 9-Axmed Xasan Nuur, 10-Yuusuf Axmed Xirsi, 11-Nimcaan Cabdullaahi Xamare iyo 12- Cabdiraxmaan Curaagte.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.