Dowladda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in maanta oo sabti ah la duqeeyay Xarumaha ugu weyn Adduunka ee lagu sifeeyo shidaalka Dalka Sucuudiga.

Weerarkan oo ay dowladda Sucuudiga sheegtay in ay geysteen diyaarado aan duuliye lahayn ayaa lagu qaaday xarumaha sifeynta shidaalka ee sharikadda ARAMCO ee dalka Sucuudiga.

Qiic farabadan ayaa ka baxay Magaalada,waxaa sidoo kale magaalada isaga qaxay qaar ka mid ah dadka deggan iyada oo rasaas la maqlayo.

Jabhada Xuutiyiinta oo ka dagaalama gudaha dalka Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Sidoo kale Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee KSA ayaa sheegtay in duqeyntan ay ka dhacday Magaalada Abqaiq ,halkaas oo sanadkii 2014kii weerar argagixisannimo lagu fashiliyay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.