Maleeyshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Dalka Yemen ayaa sheegay in ay qabteen Askar badan oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Sucuudiga kadib weerar weyn oo ay ku qaadeen meel u dhow xudduudda ay labada Wadan wadaagaan.

Afayeenka Xuutiyiinta Korneyl Yahiya Sarea  ayaa BBC-da u sheegay in Sedax guuto oo ka tirsan Ciidanka Sucuudiga ay ku qabteen meel u dhow magaaladda Magaaladda sucuudiga ku taala ee Najran kadib markii ay hareereeyeen.

Waxaa uu sheegay in ay qabteen kumanaan Askari islamarkaana ay dileen kuwo kale, balse Saraakisha Sucuudigu ma aysan xaqiijin warkaan.

Howgalkaan waxaa uu ahaa kii ugweyna ee noociisa ah tan iyo markii uu dagaalku ka billlowday Dalka Yemen.

Afayeenka kooxda Xuutiyiinta ayaa hadalkiis aku daray ciidanka Sucuudiga uu soo gaaray khasare nafeed iyo mid qalab intaba, waxaa uu balan qaaday in Axadda maanta ay ciidanka soo bandhigi doonaaan iyaga oo ka baaahin doona TV-ga Al Misrah ee Afka kooxda ku hadla.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.