Wararka nagasoo gaaraya Ismamuulka Oromada ayaa sheegaya in Shil gaari oo khasaare dhaliyay uu  ka dhacay Deegaanka Guro-Gutu oo katirsan bariga gobolka Hararghe.

Shilkan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay illaa 10 ruux, halka ay ku dhawaacmeen 5 kale. dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray hal ruux kale oo gaariga saar

Shilkaas ayaa yimid kaddib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo ku dhacaay goob ay fadhiyeen dad shacab ah.

Sidoo kale waxaa goobta ka baxsaday wadihii gaariga xamuulka ah ee ku dhacay dadka shacabka.

Inta badan shilalkan oo ahaa mid soo noqnoqda mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa laguu sababeeyay in ay keenaan wadooyinka  ay gaadiidku adeegsadaan oo ah mid burbursan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.