Midowga Yurub ayaa ansixiyay howlgalkiisii ​​ugu horeeyay ee taageerada miisaaniyadeed ee ku siinayo jamhuuriyadda Soomaaliya. Yaboohan ayaa wadar ahaan marka la isku daro gaaraya 100 milyan oo Euro oo laga dhigi doono Sadexda bilood ee ugu dambaysa ee sanadka 2018 ilaa 2021.

Taageeradan miisaaniyadeed ayaa la marin doonaa Dowladda Federaalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka dowliga ah.

Midowga Yurub, oo ah deeq bixiyaha ugu weyn Soomaaliya, waxaa ka go’an ah inuu taageero waddanka si uu u gaaro himilooyinka horumarineed ee ku saleysan Qorshaha Horumarinta Qaranka, tani waxay la socotaa qaabaynta dhaqaalaha iyo ka dhaafida deynta waxay dalka u horseedi kartaa marxalad cusub oo barwaaqo ah.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.