Itoobiya oo Masar uga digtay damaceeda deegaanadaSida uu daabacay Wareyska Daily Nation dowladda Itoobiya ayaa dhigeeda Masar uga digtay in ay saldhig militery ka samaysato deegaanada Somaliland ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Itoobiya waxay walaac ka muujisay saameynta uu saldhiggaasi ku yeelan karo Geeska Afrika, iyadoo xiisad xoog leh ay ka dhex aloosantahay labada dowladood.

Walaaca ay saldhigaas ka muujineyso Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan wafti Masaari ah oo Hargeysa tegay ay taliska Muuse Biixi u soo bandhigeen qorshahooda saldhig militery ee Masar ay ka dooneyso Waqooyiga Soomaaliya.

Wareyska Daily Nation ayaa daabacay in wafdigii Masar ee tegay degaanada Somaliland uu madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay qorshe ay dowladda Masar ku dooneyso inay ku samaysato saldhig ciidan, iyadoo ay gobolka ka taagan-tahay arrinta wabiga Nile ee ka dhexeysa dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan.

Dowladda Itoobiya ayaa damaca Masar ay ku dooneyso inay saldhig militery uga sameysato Waqooyiga Soomaaliya ku tilmaantay tillaabo dhaawac weyn ku ah deganaashaha iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Halgan Media.