Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya gar ahaan degaanka Benshangul ayaa sheegaya in saraakil ciidan loo xidhay shaqaqooyinka dhawaan ka dhacay degaanka Binishangul Gumuz.

Hogaanka nabad geliyada ee tuulada Dangur oo hoos tagta dagmada Metekel ayaa xabsi loo taxabay sida ay sheegan wargeyska Addis Standard.

Hogaanka ayaa loo haystaa inuu ku lug lee yahay dagaalka ay dad badan ku nafwaayay oo dhawaan ka dhacay xadka u dhaxeeya Benshangul Gumuz Iyo degaanka Axmaraada.

Weerarada iyo qalalaasaha Gobolkan ayaa soo laa laabtay marar badan. Wixii ku soo kordha halkan kala soco.

Halgan Media.