Wararka laga helayo gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Askar katirsan Mamuulka KGS oo kusugnaa degmada Diinsoor inuu ka gostay, kadibna ku biray Xarakada Al Shabaab.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Halgan Media u xaqijiyay in labo Askari oo kala ah Cali Fadeey iyo Nuurow Digsi ay ka howl gali jiren degaanka Diinsoor ay sakka uu gosteen, kadibna u gudbeen tuulada Karmaan oo Ku taalo duleedka Diinsoor, waxaana ka arimiya Xarakada Al Shabaab

Askarta ayaa la sheegay kadib markii ay ka baxen degmada Diinsoor, iyago oo Qoryo watay ayey uu gudbeen tuulada Karmaan, ayna ka ariimayan Xarakada Al Shabaab sida ay sheegan dad goobjoogayaal.

Mamuulka KGS iyo Dowlada Dhexe weli kama aysan hadlin ciidamada ka Gostay. Muddadii u dambeysay waxaa aad uso batay ciidamada katirsan KGS oo isu dhibayo Al Shabaab.

Halgan Media.