Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu Xaalada Magaalada Wajid yahay mid degan kadib markii habeenkii xalay la maqlay Rasaas.

Rasaastaasi ayaa laga helayaa warar kala duwan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ay u dhaxeyso Ciidamada KGS iyo Xarakada Al Shabaab.

Warar kale ayaa sheegaya in ay aheyd rasaas kooban oo si caadi ah loo riday isla markana cidna u dhaxenin.

Rasaasta xalay la maqlay ayaana ku soo aadeysa iyadoo Xaalada gobolka Bakool ay tahay mid Cakiran.

Halgan Media