Wararka laga helayo gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaminayo guddomiyaha gobolka Gedo Macalimuu uu safar deg deg ah ku tagay caasimada Muqdisho.

ilo katirsan Mamuulka gobolka Gedo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in guddomiyaha gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji kuna magac dheer Macalimuu iyo taliyaha saldhiga CXDS ee degmada Dollow, Cabdillahi Kaniini ay goor dhow u safreen magalaada Muqdisho.

Booqashadan aan hore loo shaacinin ay masuuliyinta kasoo jeedo gobolka Gedo ku tageen magalaada Muqdisho ayaa kuso beegkeysa xili xiisada u dhaxeeyso Dowlada Federalka Iyo Mamuulka Jubbaland ay kor usii kaceysa aydoo mamaulka juballand uu diiday in uu dorasho qabto ilaa laga xaliyo tabashada ku aadan dhanka mamulka gobolka Gedo.

Halgan Media.