Xildhibaan Cumar Maalin oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka dalkaasi, ayaa la filayaa inuu maanta Barlamaanka u gudbiyo Codsiga ay dadka ku nool Deegaanada isaga laga soo doortay ku doonayaan in Ciiddanka Kenya laga soo daad-gureeyo Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan Ammaanka ee gobolka NFD.

Telefishinka Channel One ee Kenya oo loo dusiyey Qoraalka Codsigaasi ayaa shaaciyey inay dadka Deegaanka Manddera Bari muujiyeen in ay Joogitaanka Ciiddankaasi ee gudaha Somalia ka dhaxleen inay kordhaan Weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan Deegaanadooda.

Codsiga loo diray Barlamaanka Kenya waxaa kaloo lagu muujiyey in weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gobolka NFD ay waxyeello gaarsiiyeen Dhaqaalihii, Nolosha iyo W/barashadda, isla markaana ay Macallimiinta iyo Shaqaalaha aan u dhalanin Gobalkaasi ka wada baxeen Deegaanadaasi, iyago ocabsi ka qaba Weeraradda Alshabaab ka fuliyaan Deegaanadaasi.

Dhinaca kal,e Guddiga Difacaa iyo Xiriirka Caalamiga ee Barlamaanka Kenya ayaa loogu baaqay in Ciiddanka Kenya ee ku sugan Somalia loo soo wareejiyo dhinaca sugidda Ammaanka Xuduudka ee dhinaca Kenya, si Ciiddankaasi uga badbaadaan khasaaraha ay Alshabaab kala kulmaan.

Ma aha markii ugu horreysay oo Dowladda Kenya lagu cadaadiyo inay Ciiddankooda kala soo baxaan Soomaaliya, kuwaasi oo gudaha Soomaaliya ku sugnaa tan iyo bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.