Xasan Cali Kheyre oo ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ayaa wado qorshe ah in isaga iyo rag ka tirsanaa xukuumaddiisa: Wasiiro iyo ku xigeeno ay ka shaqeynayaan sidii ay usoo saaran la haayeen xildhibaanada Beesha Shanaad ay ku lahaan doonnaan Baarlamaanka 11-aad.

Kooxda u xilsaarran istaraatiijiyadda iyo Ololaha Xasan Cali Kheyre ayaa is tusay in Xildhibaanada Beesha Shanaad ay ka fududahay, kana dhaqaalo yaryihiin Beelaha kale xildhibaanadooda.

Qorshan lagu soo saarayo Xildhibaanada Beesha ee Baarlamaanka 11 aad ayaa waxaa ka shaqeynayo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Wasiiro iyo Wasiir ku xigeen horay uga tirsanaa Golahiisa Xukuumadda ay waayey kamid noqoshada Xukuumadda RW Rooble.

“Waxaan ka kooban nahay Rag Kaambenaro ah, Siyaasiyiin kursi doon ah, xildhibaano iyo rag horay uga tirsanaa xukummaddiisa, waxaana la rabaa in lasoo saaro xildhibaano beesha Shanaad ah, maadaama ay yartahay dhaqaalaha ku baxayo kuraastooda” waxaa sidan yiri mid ka tirsan kooxda ololaha Xasan Cali Kheyre oo magaciisa ka cudur daartay in la sheego.

Xildhibaanada Beesha Shanaad ee Hirshabeelle waxaa loo xilsaaray Cabdulaahi Goodax Barre, Isloow Ducaale, Cabdulaahi Colaad, oo xilkooda wasiirnimo ku waayey la safashada iyo in ay isku koox yihiin Xasan Cali Kheyre, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Cabdifitaax Qaasim oo hadda ka tirsan xukuumadda RW Rooble balse xiriir hoose iyo wada shaqeyn la leh Xasan Cali Kheyre. Kooxdaan ah ayaa iyaga naftooda rabo in ay kamid noqdaan Baarlamaanka 11 aad.

Dad badan ayaa aaminsan in xukuumadda Rooble ay ku jiraan rag wasiiro iyo wasiir ku xigeeno ah oo xiriir iyo wada shaqeyn la leh kheyre isku siyaasad na ay yihiin.

Goodax Barre ayaa dhawaan muujiyey Mucaaradnimadiisa isagoo ka hadlay arrimaha iyo dhibaatada ka taagan Hirshabeelle qaasatan magaalaada Baladweyne ay masuuliyaddeeda qaadeyso Xukuumadda Rooble iyo Madaxtooyada Muqdisho, maadaama sidii ugu mudneyd aan loo maareynin doorashada kursiga koowaad ee Hirshabeelle.

Goodax Barre iyo Xildhibaan Cabdifitaax oo hadda ah Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Xukuumadda RW Rooble ayaa Masuuliyiin iyo La-taliyaalo uga ah Xasan Cali Kheyre, Xildhibaanada Beelaha Gugun-dhabe iyo iyo xildhibaanada Beelaha Jareer weyne ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baladweyne, halka Wasiir Isloow Ducaale iyo Khadiijo Maxamed Diiriye ay iyaguna yihiin iyaguna u xilsaaran yahay Xildhibaanada Beelaha Shanaad ee deegaan doorashadoodu tahay Magalada Jowhar.

Qorshahaan ay wadaan kooxda Ololaha Xasan Cali kheyre ayaa dejiyey qarashka xilshibaanada Beelaha Shanaad ay kusoo bixi karaan, waxaana loogu tala galay dhaqaalo lacageed oo gaaraya 2Malayan oo doolar.

Xasan Cali Kheyre ayaa aaminsan in uu yahay Musharaxa ugu lacagta badan musharaxiinta kale ee tartanka kula jirto isagoo haysta dhaqaale uu ku kula tartami karo kooxda Olalaha Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasin.

Halgan Media