Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in caawa uu Cabdullahi Kulane loona yaqaano Jiis Mareexaan oo ah taliye ku xigeenka hay’adda nabad sugida Sirdoonka Qaranka ee NISA uu boqday goobta uu ku xiranyahay Mukhtar Roboow.

Sida aan Xogta ku helnay, Cabdullahi Kulane ayaa maanta kulan albabada u xiran la qaatay Mukhtar Robow balse weli ma cadeyn ujeedada ka dambeeysay kulanka iyo waxa ay ka wada hadleen.

Sido kale waxa jiro sarkaal sare oo katirsan NISA gaar ahaan qaybta Waran ee la yirdha Maxamed Ibrahim oo sakay isku dayay in uu la kulmo Mukhtar Robow lakiin sida aan Xogta ku helnay Mukhtar Robow ayaa diiday in uu la kulmo Maxamed Ibrahim oo ka kamid saraakisha Waran oo hoos tago NISA sida ay Halgan Media u xaqijiyen ilo amni.

Boqooshada u Cabdullahi Kulane uu caawa ku tagay goobta uu ku xiran yahay Mukhtar Robow ayaa timid saacado kadib markii Maxamed Ibrahim uu ku guuldaraystay in uu la kulma, lana hadlo Mukhtar Robow, taas ayaa loo badinaya in uu sababay in Cabdullahi Kulane uu boqoosho qarsoodi caawo uu ku tago goobta u ku xiran yahay Mukhtar Robow.

Dhinaca kale, Ilo Amniga ayaa Halgan Media u xaqijiyay in korontada laga jaray goobta u ku xiran yahay Mukhtar Robow, isagoo oo ku jira qol mugdi ah sida ay hadalka u dhigeen Ilo wareedyada, wuxuuna kamid yahay tahay qababka loo ciqaabayo dulmane Mukhtar Robow oo in ka badan labo sano iyo bar qab sharci darro ugu xiran Fahad Iyo Farmaajo.

Hoos waxaad ka arki karta warqada ay Halgan Media gacanta ku dhigtay oo kasoo baxday shirkada BECO oo xaqijineeyso in Korontada laga jarayo goobta u ku xiran yahay dulmane Mukhtar Robow.

Shirkada korontada ee BECO oo hoos tagta Hormuud oo mudda dheer xiriir iyo wadashaqeyn la laheyd Al Shabaab ayaa Dhanka kale gacan sar la laheyd NISA, taas ayaana keentay in ay BECO korontada Ka jarto guriga Mukhtar Robow madaam ay xubna katirsan Al Shabaab ay ka buxan hayada NISA.

Halgan Media.