Wararka laga helayo Gobalada Dhexe ayaa sheegaya in dagaal beeleedyo aad u xogan ka qarxay tuulada Balle oo u dhow degmada Dhagax-Dheer oo hoos tagto magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Sida ay noo xaqijiyen dadka degaanka, labada maleeshiyad beeleydyo oo dagaalamay ayaa isku heystay dhul, waxaana dagaalka ku nafwaayay hal qof, halka ay labo kala ku dhinteen.

Xiisada dhaxeeyso labada beel oo walaalo ah oo ka soo kal jeedo Cadaado iyo Dhusomareeb ayaa ah mid mudda jiitimaysay.

Maamulka Galmudug weli kama aysan had dagaalka maanta ka dhacay aaga magaalada Cadaado, waxayna dad badan rumeysan yihiin in maamulka oo hogaminayo Qoor-Qoor ayaa gadaal ka riixayso colaada labada beel. 

Halgan Media