Dawladda Itoobiya waa in ay samaysaa baaritaan madax bannaan oo qoto dheer oo ay ku samaynayso tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay Ogadenia, ayaa lagu yiri warbixin ay maanta soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.

Maria Burnett oo ah madaxa Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawladda Itoobiya looga fadhiyo in ay caddaalad u samayso tacaddiyadii darnaa deegaanka Soomaalida ka socday tobanka sano.  Waxay magacooda si gaar ah u xustay wakiilka gumeysiga Cabdi Iley iyo Taliyaha maleeyshiyaadka Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Labo Go’le iyadii dalbatay si khaas ah loo baaro doorkii ay ku lahaayeen waxa dhacay.

Ma aha markii koobaad ee hay’addaha xuquuqda aadanuhu ay soo jeediyaan in Ogadenia ka dhaceen tacadiyo, dhawaan ayayna ahayd markii hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ku baaqday in maleeyshiyaadka Liyuu booliiska la kala diro.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.