Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in maleeshiyo hubaysan oo Oromo ah ayaa xasuuq bahsaan kawaado  tuulada Qubbi oo katirsan gobolka Nogob.

Dhimasha waxaa la ii sheegay dhanka soomaalida ilaahay ha u naxariistee saddex wiil oo kala ah

  •  Cabdulle Daahir
  • Cali Nuur Abdulkaadir
  • Saxane Salax

Dhaawaca ayaa sidoo kale la sheegay inay yihiin toddoba (7) qof

  • Ilka Caddeeye
  • Maxamed Cabdi Xayi
  • Cabdullaahi Xussen Qase
  • Shukri Rinji
  • Cabdishaakir Bile
  • Timawayne
  • Iyo ruux kale oon aan magiciisa helin

Wargeyska Halgan Media ayaa si kulul u cambaaraynaysa dilka iyo barakicinta ay maleeshiyadka hubaysan ee Oromadu ku hayso shacabka Soomaalida ah een waxba galabsanin. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.